Hargeysa,(HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Mudane Fuaad Axmed Nuux ayaa warbixin ka jeediyay fadhigii 34aad ee Golaha Wasiiradda JSL oo qabsoomay maanta September 10th, 2025, kaas oo uu Guddoominayay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Wasiirka ayaa Golaha warbixin ka siiyay Hirgalinta Siyaasada Dal-ku-galka Furan (Visa On Arrival Policy), taasi oo Rakaabka u soo safraya Somaliland u suurto-galinaya in ay dal-ku-galka ka qaadan karaan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo Madaaradda kale ee Dalka JSL.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Siyaasadda cusub ee Xukuumaddu ay meesha ka saarayso Caqabadihii ay rakaabku kala kulmi jireen Dal-Ku-Galka ay diyaaraduhu waydiiyaan dadka Somaliland u soo dhoofaya.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in uu qoraal rasmi ah ugu gudbiyay Siyaasadda cusub ee dal-ku-galka dhammaan Shirkaddaha Diyaaradaha ee ka hawl-gala Madaaradda Somaliland.
Ugu dambayntii, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa si cad u qeexay in shuruucda socdaalka ee ka soo baxa Hay’adda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee JSL ay yihiin kuwa ay diyaaraduhu ku maamuli doonaan ama ay waafajin doonaan qof kasta oo u soo safraya Somaliland.


















