Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Iimaamada Masaajida Faray Amar Madaxweynuhu Soo Jeediyay

0
817

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland ayaa Khamiista maanta amray in guud ahaan dalka Khudbadda Salaadda Jimcaha Bari lagu akhriyo ducada Roob doonta. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Bulshada u soo bandhigay Amarka Madaxweynaha kadib shirkii golaha Wasiirada ee Khamiista.

Akhrinta Ducada Roob doonta ayaa imanaysa kadib markii Roobka gugu dib u dhacay. Todobaadadii la soo dhaafay ayaa meelo dalka ka mid ah ay ka da’een roobab aan badnayn balse roobka ayaa dib u qaaday.

“Maalinta Bari ee Jimcaha, taariikhduna tahay 10-ka April, bisha Islaamkuna tahay 21-ka Jamaadul Akhir, waa in guud ahaan dalka Salaadda Jimcaha lagu dhex akhriyo Ducadii Roob doonta. Waa in Illaahay la baryo, Illaahay loo toobad keeno, dunuubta la iska dhaafo, Masaakiinta la quudiyo. Illaahay baa yidhi Marka Baaskayaga iyo Cadaabtayadu u timaado waxay ahayd inay Illaahay baryaan, haddiise taas laga waayo Quluubtoodii ayaa adkaatay oo Shaydaanka ayaa u qurxiyay Camaladoodii xumaa, sidaas darteed ayay Illaahay u baryi waayeen” ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Annagoo fulinayna amarka Madaxweynaha waxaan farayaa Dhamaan Iimaamada Khudbada Akhriyaya inay Khudbada dhexdeeda iyo Salaadda Dhexdeeda ku akhriyaan Ducadii  Roob doonta oo ay sidaas dadkana ku dareensiiyaan inaynu ku dhamaysanay Salaaddii iyo ducadii roob doonta” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in haddii Illaahay Raxmaadiisa u furo Umadda ay fiican tahay haddii roobku raagana la Oogi doono Salaadda Roob doonta.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here