Wasiirka Degaanka Somaliland Oo Beenisay In Ay Iibiyeen Duur Joog

0
801

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasaaradda ilaalinta degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa beenisay warar sheegayay in ay qorshaynayaan sidii ay sharci daro shaqsiyaad ajaaniba uga iibin lahayd duur joog.

Wararka la xidhiidhay in wasaaradda degaanku duur joog si sharci daro ah u dhoofinayso waxaa warbaahinta gaadhsiiyay Cabdi Cali Gadhle, oo ay hore wasaaradda degaanku ogolaanshiyo ugu siisay in uu kala shaqeeyo ilaalinta iyo daryeelka duur joogta dalka.

Hase yeeshee wasiirka degaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare) iyo agaasimahaasimaha guud ee wasaaradaasi oo si wada jira maanta shir jaraa’id ugu qabtay xarunta wasaaradoodda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka arrintaasi.

Balse taa bedelkeedda ay ka wasaarad ahaan ku mashquulsan yihiin sidii loo daryeeli lahaa loona ilaalinta duur joogta dalka ku nool.

Halkan Ka Daawo Wasiirka iyo Agaasimaha Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here