Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Deegaanka, yo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa maanta haayadda Helo Trust, kala wareegtay buugaag ay u soo daabaceen.
Buugaagtaasi ayaa soo daabicistoodda ay haayadda Helo Trust, ka caawisay wasaaradda deegaanka Somaliland.
Waxaanay buugaagtaasi oo dhawr ka kooban ayaa ah xeerar, iyo shuruuc ay hore u soo saartay wasaaradda Deegaanku, isla markaana laga sameeyay buugaag.
Xeerarkaasi na waxay kala yihiin Xeerka siyaaaadda qaranka ee Deegaanka lagu hago, kaasoo soo baxday sanadkii 2015-kii, isla markaana lagu soo turjumay Afafka English, iyo Soomaali.
Sidoo kale waxaa buugaagtaasi ka mid ah xeerka ilaalinta Kaymaha, iyo duur joogta, iyo Hagaha qiimaynta raad-reebka deegaanka, iyo bulshadda.
Sida ay sheegtay wasiirka wasaaradda Deegaanka JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka warbixinaysay buugaagtan ay maanta kala wareegeen haayadda Helo Trust.
Wasiir Shukri, oo buugaagtan kula wareegtay xafiiskeedda waxaa halkaa goob joog ka ahaa madaxa haayadda Helo Trust, ee Somaliland, iyo masuuliyiin kale oo isla haayadaasi ka socday, iyo sidoo kale agaasime waaxeedyadda wasaaradda Deegaanka.
Shukri Baandare, ayaa Helo Trust, uga mahad celisay in ay ka caawisay kharashkii lagu soo turjumqy buugaagtaasi.
Waxaanay sheegtay in haayadda Helo Trust, ay ka mid tahay haayadaha sida dhaw ay u wada shaqeeyaan wasaaradda Deegaanka Somaliland.
Sidoo kale wasiirku waxay tilmaantay in dhawaan ay haayadda Helo Trust, kala shaqayn doonaan Gabiley, oo ay xarunta dhir-kobcinta u samayn doonaan Dayr, wanaagsan, oo wax kasta ba ka xafidda.
DAAWO: Wasiirka Deegaanka JSL Oo Hallo Trust Kala Wareegtay Buugaag:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.