Wasiirka Dastuurka Oo Shir La Qaatay Madaxda Xarunta Tababaradda Waddaniyadda

0
350

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa kulan la qaatay madaxda Xarunta Tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, waxaa kulankaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf.
Xarunta barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda oo ah waax ka tirsan wasaaradda xidhiidhka goleyaasha ayaa si weyn uga shaqaysa sidii muwaadiniinta loo bari lahaa arrimaha shuruucda dalka.

Kulankaasi oo ka qabsoomqy xarunta wasaaradda ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay dar-dar gelinta hawlaha shaqo ee Xarunta iyo Qorshayaasha xarunta ee Sanadka soo socda ee 2023-ka.
Sidoo kale waxa kulankaasi lagu gorfeyey waxyaalihii u qabsoomay xarunta Tababarada Dastuurka iyo Waddaniyada oo muwaadiniin badani ay wax ka barteen.

Geesta kale wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, oo kulankaasi hadal ugu jeediyay masuuliyiinta ayaa kula dar-daarmay in ay sii laban laabaan shaqadda ay hayaan, isla markaana ay xoojiyaan in ay la yimaadaan qorsheyaasha lagu hawl gelayo sanadka cusub ee soo socda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here