Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyeyaasha iyo saraakiisha booliska.
Kulankaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliand Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabo-gale), Taliye Ku-xigeenka Koobaad, Taliye Kugeenka Labaad.
Saraakiisha Sar sare, Hogaamada, Taliye Qaybeedyada iyo Taliyeyaasha Saldhigyada Ciidanka booliska ee caasimadda Hargaysa.
Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd dar-dar gelinta iyo xoojinta Amniga guud ahaanba dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa.
Iyadoo diirada lagu saaray sidii loo sii joojin lahaa guud ahaanba Amniga dalka oo dhan, taasoo ka mid ah waajibaadka saaran Ciidanka Booliska Somaliland.
“Wasiirka arrimaha Gudaha isaga oo fulinaya waajibkiisa shaqo ayuu kulankan muhiim ka ah la qaatay madaxda ugu saraysa Ciidanka Booliska Somaliland.
Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, ayaa u xilsaaran Amniga Qaranka, waxaana hoos yimaada qaybaha kala duwan ee haayaddaha qaabilsan Amniga Qaranka” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay xafiiska war baahinta ee wasaaradda arrimaha gudaha.
Waxa kaloo warkaasi lagu soo qaaday gebagebadii kulankaasi iyo jawigii uu ku soo dhamaaday, “Kulankan ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan. Iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo Amniga guud ahaan ba”.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.