Wasiirka Daakhiliga JSL Oo Booliska Ku Hanbalyeeyay Xuska Aasaaskoodda

0
216

Hargeysa (HP): Wasiirka qasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhanbaal hambalyo iyo boogaadin ah u diray Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo beri ah ay ku beegan tahay aasaaskoodii.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxaa la aas-aasay 03/11/1993-kii, iyadoo ay ciidanku u dabaaldegayaan sanad guuradii 30aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Booliska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL ayaa ku boogaadiyay Ciidamada Booliska hawsha culus ee ay qaranka u hayaan, waxaanu Wasiirku hambalyo u diray Taliyayaasha kala duwan ee Ciidanka Booliska.

“Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, wuxuu ku boogaadinayaa Ciidamada Booliska hawsha culus ee ay qaranka u hayaan.

Waxaanu Wasiirku u hambalyo u dirayaa Taliyayaasha kala duwan ee Ciidanka Booliska, Saraakiisha, Saraakiilkii Kuxigeenada, Alifleyda, Xaasaskooda iyo caruurtooda, waxaanu Wasiirku u rajaynayaa in sanadkan sanadkiisa in Eebe ku gaadhsiiyo horuumar, guul, Caafimaad iyo barwaaqo” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Geesta kale wasiir Maxamed Kaahin, ayaa faah-faahin ka bixiyay hawsha ay ciidanka boolisku qaranka u hayaan.

Waxaanu yidhi “Ciidamada Booliska ayaa qaranka u haya shaqo aad culus oo ah amniga gudaha, waxay hadh iyo habeen u taagan yihiin ilaalinta shacabka iyo goobaha muhiimka ah.

Waxay saaxib la yihiin dadweynaha, waxayna ilaaliyaan oo ka hortagaan mukhaadaraadka, fal denbiyeedyada, ka hortaga denbiyada abaabulan iyo soo qabashada cidkasta oo dhibaato geysata shacabka iyo guud ahaan amnigaba”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here