Gabiley (HP): Wasiirka wasaaradda Biyaha JSL iyo badhasaabka gobolka Gabiley ayaa maanta deegaanka Carro-guduudan oo ka tirsan degmadda Arabsiyo ka dhagax dhigay ceel-biyood Riigg ah oo ay xukuumadu fulinayso.
Sidoo kale badhasaabka Gabiley, iyo wasiirka wasaaradda Biyaha waxay isla maanta kormeereen Dhaam biyoodka laga hirgelinayo deegaanka Ijaaro ee isla gobolka Gabiley, kaasoo ay qodistiisu socoto.
Guddoomiyaha gobolka Gabiley C/qani Jiidhe, oo ka hadlay dhagax dhiga ceel biyoodkaasi Riigga ah ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin tiirka ugu muhiinsan addeegyada asaasiga u ah nolosha aadanaha.
Iyadoo taa laga duulaya na ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, barnaamij siyaasadeedkiisa arrintani uu door weyn ka siiyay, taasoo horseeday in ay hoos u dhacday baahidii biyaha ee gobolka cagaaran ee Gabiley.
Sida uu sheegay C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Gabile, oo ka warbixinayay dhagax dhiga Riigaasi.
DAAWO: Hadal Jeedintii Badhasaabka Gabiley ee Dhagax Dhiga Ceelka Carro-guduudan
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.