Wasiirka Beeraha JSL Oo Booqday Wershadda Daqiiqda Berbera

0
180

Berbera (HP): Wasiirka Wasaaradda H. Beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa maanta booqasho dhiirigelin ah ku tagay Warshadda daqiiqda Wadaniya ee Magaalada Berbera.

Kormeerkaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Aadan C/laahi Sheekh Muuse.

Wasiirka iyo Agaasimaha guud oo ay wehelinayen xubno ka mid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Beeraha, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka iyo hawl-wadeenada Warshaddaasi.

Kuwaasi oo Weftiga Wasiirka War-bixino ka siiyey habka Warshaddu u shaqayso, Marxaladaha ay marto daqiiqdu derajada 1-aad ee soo saaristeeda illlaa marka suuqa loo iib-geeyo.

Intaasi ka dib, Wasiir Cabdiqaadir Iimaan, ayaa bogaadiyey Muwaadiniinta Maalgeliyey warshadda daqiiqda, isagoo u soo jeediyey talooyin muhiim u ah shaqadooda.

Waxa xusid mudan, in Badhasaabka Saaxil Cali-casse uu Weftiga Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ku wehelinayey kormeerkaas.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here