Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo qaabiley Weftigii ka socday Congress-ka Mareykanka

0
1750

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socday Congresska Dalka Mareykanka, kuwaas oo booqasho rasmi ku yimid dalka Somaliland.

Kulanka, ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha guud ee Amniga.

Weftiga ka socda Congresska Mareykanka, ayaa Somaliland u yimi si ay u ogaadaan Horuumarka socda Somaliland iyo nabad-gelyada ka hirgeshay Somaliland 30 kii sanno ee u danbeeyay ee dalku xorriyaddiisa la soo noqday.

Kulan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayay Wasiirka iyo Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan weftiga siiyeen warbixin ku saabsan Somaliland.

Weftigan culus ee ka socda Aqalka Sare ee Congress-ka Mareykanka, ayaa shalay booqashadii labaad ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaana weftiga horkacayay Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac iyo Dr. Al-Khalafalla oo ka socday HDI, iyadoona safarka uu soo qabanqaabiyay Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka ee Redsea Cultural Foundation (RCF).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here