Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Qaabilay Maayarka Degmada Brent Oo London Ka Tirsan

0
337

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Cabdifataax Nuur Aadan, oo ah maayarka degmada Brent oo ka tirsan magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Maxamed Kaahin Axmed wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland kulankaas uu la yeeshay maayirka degmada Brent, waxa ku wehelinaayay xildhibaano ka tirsan labada gole ee guurtida iyo wakiillada, waxaana kulankaas lagaga hadlay horumarinta magaalooyinka Somaliland.

Cabdifataax Nuur maayirka degmada Brent, ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Somaliland, waxaanu xusay inay jiraan dadaal horumar ka socda magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa.

Waxaanu balanqaaday in uu diyaar u yahay wax la qabashada golayaasha degaanada ee dalka.

Maayirka degmada Brent oo hawlo shaqo u jooga caasimada Hargeysa ayaa la filayaa in muddada uu joogo uu kulamo la qaato qaar ka mida maayirada dalka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here