Wasiir Toorno oo sheegay in Somaliland ugu hoosayso dalalka gobolka

0
1560

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo ka hadlayey shirka 3aad ee madasha dhaqaalaha qaran ee Somaliland oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland tahay ta ugu hoosaysa dalalka gobolka marka loo eego qiyaasta dakhli ee qofkii soo gasha.

Wasiirka qorsheynta Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in sanadkii cel celis ahaan in ay warbixinuhu sheegayaan 600$ qofkiiba.

Waxaa uu sheegay in Jabuuti oo keliya ay Somaliland nabad gelyada gobolka ka horayso, isla-markaana ay Somaliland dimuquraadiyada ugu horayso.

Toorno waxa uu tilmaamay in sidii laysku lahaa dan yar baynu nahay, in la aaminay, balse buu yidhi khayraad farabadan oo uu dalku leeyahay faqriga lagaga bixi lahaa.

Wasiirku waxa uu soo jeediyey in la maal galiyo khayraadka kala duwan ee ay Somaliland haysato oo cid walbaaba qorshaha qaranka halka kaga beegan ka shaqayso.

Wuxuu ku booriyey shirka in Barwaaqada ay Somaliland haysato laga faa’iidaysto oo aan niyada la iska dilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here