Wasiir Siciid Sulub oo Mucaaradka Usoo Jeediyay Inay Raacaan Sharciyadda Dalka

0
1447

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaanadda xanaanada xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland u soo jeediyay inay raacaan sharciyada dalka.

Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu sheegay in ay sharci tahay muddo korintii golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taas oo ah qodob dastuuri ah oo golahaasi sharcigu siinayo.

Waxaa kale oo uu Wasiirku sheegay in hannaanku xukunka dalka lagula kala wareegi karaa yahay sharci iyo doorasho, loona baahan yahay in xisbiyada mucaaradka ahi taas ku shaqeeyaan.

Wasiir Siciid Sulub wuxuu guud ahaan shacabka Somaliland u soo jeediyay in ay ilaashadaaan nabada, xasiloonida iyo wada jirkooda, taas oo ah waxa kaliya ee Somaliland ku xaqiijin karto inay dunida ka hesho aqoonsi caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here