Wasiir Qambi oo Raali Gelin Siiyay Shirkada Shidaalka Ee HASS PETROLEUM

0
1497

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland ayaa maanta raali gelin siiyay shirkadda shidaalka ee Hass Petroleum oo uu maalinti shalay ku eedeeyay in ay maalgeliso Jabhadda SSC ee Buuhoodle.

Markuu raali gelinta bixinayay waxa dhinac fadhiyay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland.

Wasiirka howlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Qambi oo shalay warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in shirkada shidaalka ee HASS ay maal-galiso Jabhadahaasi oo ka soo horjeeda Somaliland.

Laakiin, Maamulka Shirkadda HASS Petroleum oo iyaguna hadlay ayaa beeniyey Eedda uu u jeediyey Wasiirka Hawlaha guud, waxayna sheegeen haddii uu Wasiirku keeni waayo caddayn eeddaa la xidhiidha inay sharciga la tiigsanayaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk /Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here