Wasiir Mareexaan oo sheegay in Xisbiga KULMIYE weligiiba hoggaamin jiray Hargeysa

0
935

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan, ayaa maanta taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa kala qayb galay isu soo baxa ololaha doorashada.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo dhoolatus ku soo bandhigay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa, u jeediyay hadalo isugu jira mahadnaq, dardaaran iyo dhiiri gelin.

Waxaanu wasiir Cali Mareexaan uu sheegay in xisbiga Kulmiye weligiiba hoggaamin jiray magaalada Hargeysa.

Wasiirka, ayaa waxaa uu sidoo kale shacabka reer Hargeysa uu faray inay 150 kun oo cod ay ku hoggaamiyaan codka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here