Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Siciid Xasan Habane, ayaa ugu baaqay dhamaanba muwaadiniinta in ay qaataan kaadhka codbixinta.
Maadaama oo la filayo in 28-ka bishan December ee aan ku jirno ay dhamaanba goboladda iyo degmo-doorashooyinka dalka ay ka bilaabanto diiwaan gelinta codbixiyeyaashu.
Siciid Xasan Habane, oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta qaranka ayaa dhamaanba muwaadiniinta reer Somaliland ee aan haysan kaadhka codbixinta, isla markaana xaqa u leh waxa uu ku booriyay in qaataan kaadhka codbixinta.
Waxaanu sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Somaliland in qaadashadda kaadhka codbixintu ay tahay xaq dastuuri ah, isla markaana ay qofka muwaadinka ah u suurto gelinayso inuu codkiisa ku doorto cida uu doonayo, marka la gaadho doorashooyinka.
DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Wasiir Xigeenka Warfaafinta Somaliland
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.