Hargaysa (HP): Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waraafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Siciid Xasan Habane, ayaa Tacsi u Diray Qoysaska Qaraabada iyo Qaranka Somaliland ee ay Ka Baxeen Wasiirkii Hore ee Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Maxamuud Sheekh Suufi Muxumed iyo Xildhibaan Hore Aadan Muxumed Hoori (Mataan).
Wasiirkii Hore ee Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Maxamuud Sheekh Suufi Muxumed, ayaa caawa ku geeriyooday magaaladda Hargaysa, halka AHUN Xildhibaan Hore Aadan Muxumed Hoori (Mataan), uu isna maanta ku geeriyooday isla caasimadda Hargaysa.
DAAWO: Tacsida wasiir ku-xigeenka Warfaafinta:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.