Laascaanood (Hargeisa Press) – Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo ku sugan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa uu ka hadley sababta uu uga qayb geli waayay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee maanta furmay.
Wasiir Koore waxa uu cadeeyay in sababta uu uga soo qayb gali waayay Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye ee maanta furmay ay la xidhiidho Shaqooyin qaran oo uu ka wado gobolka Sool.
Wasiirku Waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ay Waxqabad badan oo Shacabku ka marag kacayo ka fulisay Goboladda dalka.