Wasiir Kaahin oo Maamuusay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

0
892

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu maamuusay Sheekha Caanka ah ee Cabdirashiid Cali Suufi iyo wefdi Culimo ah oo uu hogaaminayey.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani Xuseen,  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Axmed Aadan Gurey, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Shaqo Gelinta Mustafe Cali Bille, Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yusuf Ismaaciil iyo masuuliyiinta kale oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano.

Wasiirka Maxamed Kaahin, ayaa sheekh Cabdirashiid Cali Suufi iyo wefdigiisa Culimada ahayd ee la socotey ku soo dhoweeyey xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha, waxaanu wasiirku sheekha uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimi.

Waxaanu wasiirku uga waramay Sheekha Xaalada guud ee Somaliland, taasoo ay kaw ka tahay Nabadgelyada buuxda ee Somaliland ka jirta.

Dhinaca kale, Wasiirka, ayaa Sheekha ku ammaanay dacwada, isagoo Wasiirku intaas ku daray sida ay Xukuumadda iyo Culimadu uga wada shaqeeyaan dana guud ee Somaliland iyo wanaaga, iyadoo Xukuumadda Somaliland soo dhowayso sanadkasta, kana qayb gasha shirka ay isugu yimaadaan Culimada Tabliiqa.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Cabdirisaaq Albaani Xuseen,  ayaa isna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha uga mahadnaqay Casuumadda iyo soo dhowaynta uu u sameeyey Sheekha Caanka ah ee Cabdirashiid Cali Suufi iyo Wefdiga Culimada ah ee la socda Sheekha.

Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, ayaa u mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu sheekhu ku ammaanay Somaliland, Nabadgelyada iyo waxyaabaha badan ee wanaagsan ee ka socda Somaliland, isagoo sheekhu u duceeyey dadka iyo dalka Somaliland ba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here