Wasiir Ciise Keyd oo xog-cusub ka sheegay xidhiidhka Somaliland & Taiwan

0
1381

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabad ballaadhan oo lagu xusayay sannad-guurada 113aad ee ka soo wareegtay markii ay Taiwan madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalka Shiinaha, taasi oo maanta ka dhacday caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibada, ayaa ugu horayn dhambaal boggaadin ah u diray dowladda iyo shacbiga dalka Taiwan.

Waxaanu wasiirku dowladda iyo shacbiga dalka Taiwan uu ku boggaadiyay qaranimada 113aad jirsatay ee ka soo wareegtay markii ay xoriyadooda la soo noqdeen oo maanta ku beegnayd.

Wasiirka, ayaa waxaa uu sheegay in maanta aan loo debaal-degayn in ay dowladda Taiwan tahay dowlad adkaysi iyo dimuqraadiyad ay ka hanaqaaday oo keliya.

Hase yeeshee wuxuu wasiirku sheegay in loo debaal-degayo xidhiidhka xoogeystay ee ka dhexeeya labada dowladood ee Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo ku dhisan buu yidhi qiimeyn iyo qadarin.

Wuxuu xusay in xidhiidhka labada dowladood uu dhaxal siiyay in ay ka wadashaqeeyaan waxyaabo badan oo ay dantoodu ku jirto.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Taiwan ay Somaliland ka caawisey meelo muhiim ah, taasi oo ay muuqato buu yidhi waxtarka iyo horumarka laga sameeyay, sida qaybaha, ICT-ga, Waxbarashadda, Beeraha, Secretary-ga, iyo meelo kale oo uu sheegay in ay muhiim u tahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in caawinooyinkaas ay dowladda Taiwan la garab istaagtay Somaliland ay ka muuqato qaybaha kala duwan ee dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here