Wasiir Cali Mareexaan oo hal arrin ku eedeeyay Xisbiga Waddani

0
1579

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in xisbiga mucaaridka ah ee Waddani laga la’yahay inuu maalin qudha yidhaahdo difaaca dalka xukuumadda ayaanu kala mid nahay.

Wasiirka, ayaa sheegay in xisbiga Waddani ay aad ugu adag tahay inuu caddaysto inuu yahay mid u taagan difaac dalka oo markaasi xukuumadda ku barbar taagan wixii la xidhiidha arrimaha difaaca qarannimada iyo sharafta Somaliland, waxaanu tilmaamay in ay arrintaasi Waddani kaga adag tahay wax kasta oo loo sheego.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, ayaa sidan ka sheegay munaasibad lagu casuumay qurba joogta dalka, taasi oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin iyo hoggaanka Xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Wuxuu sheegay in hadda mucaaridnimadu noqotay mid aan waxba la xeerin oo uu qofka hadalku ka gaadhayo meel kasta oo laga xishoodo, waxaanu tusaale u soo qaatay wakhtigii hore in masuuliyiin iyo mucaaridba la dhawri jiray Qarannimada iyo sharafta muwaadinka, waxaanu sheegay in laga fogaan jiray waxyaabo badan oo dhaawacaya dalnimada iyo dadkaba.

“Qolada imika mucaaridka ah Faysal mooyaane’ WADDANI waa laga soo saari la’yahay maalin qudha in ay yidhaahdaan Xukuumadda difaaca dalka kala mid baannu nahay, hadalkaasina wax sahlan maaha.

In badan baanu kala hadalnay oo aanu ku nidhi difaaca maad is barbar taagtaan, arrintaasi kaga adag dhagax lagu yidhaahdo liq, difaaca dalka iyo qarannimada iyo dawladnimadana waa la wada leeyahay,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan Mareexaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here