Wasiir Buuni oo u jawaabay Siyaasi Duur

0
1535

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa jawaab ka bixiyay dhaliilo uu Siyaasi Maxamed Caraale Duur u jeediyay Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa.

Siyaasi Maxamed Caraale Duur oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad xisbiga Waddani ku soo dhaweynayay masuuliyiin, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu wakhtigiisii dhamaaday, isla-markaana uu safarka uu ku marayo gobolada barigu yahay kiisii ugu dambeeyay ee uu ku sii sabootinayay shacabka.

Hadaba, Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha Somaliland Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in siyaasi Duur uu hore u ayiday xisbiga Waddani isagoo ku dhisaya qaab hayb reereed ah.

Wuxuu sheegay in siyaasi Duur uu haybtii reernimo kula laabtay xisbiga Waddani, kadib markii uu xil wasiirnimo ka waayay xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Wasiirka, ayaa xusay in siyaasi Duur markii Cirro ku guuldaraystay doorashadii 2017-kii uu iska soo xaadariyay madaxtooyada, isla-markaana uu Madaxweyne Muuse Biixi ka baryayay xil wasiirnimo.

Wuxuu sheegay in calaamatul su’aal saaran tahay in xisbiga Waddani noqdo xisbi qaran, isla-markaana ay taladu tahay in Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa laga bedelo dalka.

Wasiir Buuni, ayaa tilmaamay in danta qaranka Somaliland ay ku jirto in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dalka sii hoggaamiyo.

Wuxuu sheegay in xisbiga Kulmiye mar saddexaad loo doorto hoggaanka Somaliland ay ku jirto isku haynta umadda iyo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here