Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Ka Hadashay Cabasho Ka Soo Yeedhay Arday

0
370

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa ka jawaabtay cabasho ka soo yeedhay arday sanadkii hore deeqo waxbarasho ka helay jaamacadda Hargaysa.

Ardaydaasi oo sanadkii hore ka helay jaamacadda deeqda waxbarasho ayay tiradoodu dhamayd 62 ardayd, kuwaasoo maalmahan ka cabanayay in jaamacadda Hargaysa ay ka joojisay waxbarashadii.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ardaydaasi culays ku noqotay jaamacadda Hargaysa, isla markaana ay isla qaateen in sanadka hore ay wasaaradda waxbarashadu bixiso lacagta.

Halka saddexda sanadood ee danbena ay jaamacadda Hargaysa bixinayso lacagta waxbarashadda ee ardaydaasi.

Isagoona xusay in Simisterkii hore ay wasaaradda waxbarashadu bixisay lacabtaasi, isla markaana Simisterka kale ay sida ugu dhakhsaha badan u bixinayso.

Geesta kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa uga digay xisbiyadda mucaaradka ah in aanay cabashadda ardaydaasi uga faa’iidaysan arrimo siyaasadeed.

Maadaama oo aanu jirin wax ay u hayaan ardaydaasi xisbiyadda mucaaradku, isla markaana aanay iyagu ka bixinaynin lacagta looga baahan yahay ardaydaasi.

 

DAAWO: Wasiir Ku-Xigeenka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here