Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ka socota Hay’adda Socdaalka ee IOM.
Wasiirka, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Muuse Askar Guuleed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdisalaan Maxamuud Ducaale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Jaamac, Cawil Nuux iyo madaxa qaybta Siyaasadaha ee Waaxda Qorshaynta, Faysal Cabdirashiid Aadan.
Dhinaca Hay’adda Socdaalka ee IOM waxaa hogaaminayay, Ayaan Xasan oo ah madaxa Hay’adda IOM xafiiskeeda Hargeysa, waxaa kale oo ku wehelinayay Fadxiya Cabdalle iyo Liibaan oo ka tirsan saraakiisha Hay’addaasi.
Kulanka, ayaa waxaa diiradda lagu saaray isla markaana lagu lafa-guray sidii Wasaaradda iyo Hay’adda IOM isaga kaashan lahaayeen arrimaha mudnaanta u leh laba dhinac, sida, ka wacyigelinta bulshada Somaliand gaar ahaan dhallinyarada aafada tahriibka, faafinta xeerarka iyo siyaasadaha ka hor-tagga tahriibka iyo soo warinta iyo ka sheekaynta xaaladaha kala duwan ee la gala kulmo tahriibka.
Ugu danbayn, labada dhinac, ayaa waxaa ay kulanka iskula garteen in si dhow looga wada shaqeeyo dhamaan qodobbadii lagaga dooday.

















