Wasaaradda Maalgashiga iyo Ururka Bangiyadda oo Heshiis Kala Saxeexday

0
697

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Mahamed iyo Guddoomiyaha Ururka Bangiyadda Somaliland, ayaa maanta kala saxeexday heshiis wada shaqayneed.

Heshiiskan wada shaqayneed ee ay wada gaadheen Wasaaradda Maalgashiga iyo Ururka Bangiyadda, ayaa ah mid ka qayb qaadan doona horumarka dhaqaalaha iyo dardar-gelinta abuurista jawi maalgashi oo ku so dhiirasho leh.

Wasaaradda horumarinta Maalgashiga Somaliland iyo Ururka Bangiyadda, ayaa ka wada shaqayn doona sidii loo xoojin lahaa maalgashiga dalka iyo iskaashiga dowladda iyo private sector ka.

Heshiiskan, waxaa Wasiirka ku wehelinayay Guddoomiyaha Ururka Bangiyadda Somaliland Khaliif Sheekh Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Cabdikariim Muuse Maal, Agaasimaha waaxda Qorshaynta, iyo xubno ka mida hoggaanka Ururka Bangiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here