Hargaysa (HP): Wasaaradda ganacsiga iyo wershadaga Somaliland ayaa ka hadashay ganacsato sheegay inay kordhiyeen qiimaha Roodhida, kuwaasoo iska soo duubay muuqaal iyagoo isdhaarsanaaya.
Muuqaalkaasi ay iska soo duubeen mulkiileyaasha iyo masuuliyiinta wershadaha soo saarra Roodhidda ee magaaladda Hargaysa oo lagu baahiyay baraha internet-ka ee bulshadu ku xidhiidho ayaa dareen weyn abuuray.
Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga Somaliland oo maanta ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay in ciidamadda boolisku ay soo xidheen qaar ka mida masuuliyiinta warshadaha soo saara Roodhi Korontadda lagu diyaariyo.
Xadhiga mulkiileyaasha wershaha Rootiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay xalay iska soo duubeen muuqaal ay ku isku dhaarsanayaan, isla markaana ay ku kordhinayaan qiimaha roodhida.
Arrintaasi oo lagu qaaliyeeyey Roodhida oo ay dadweynuhuna si adag uga fal-celiyeen.
DAAWO: Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.