Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo Faah-faahin Ka Bixisay Talaabooyin Ciidanka Qaranku Qaaday

0
1493

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay talaabooyin Ciidanka Qaranku qaaday saacadihii la soo dhaafay.

War qoraal ah oo ka soo baxay goordhaweyd Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa lagu sheegay inuu Ciidanku dib u habeyn samayn doono si uu Cadowga uga hortaggo.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranku ka soo baxay fadhiisimihii uu ku sugnaa ee bariga gobolka Sool sababo la xidhiidha istiraatiijiyad ciidan awgeed.

“Waxa aanu ogaysiinaynaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in maanta oo taariikhdu tahay 25/08/2023 in Ciidanka Qaranku ka soo baxay fadhiisimihii uu ku sugnaa ee bariga gobolka Sool istiraatijiyad ciidan awgeed”. ayaa lagu yidhi.

“Waxa jira ciidamo ka lumay wadooyinkii loogu talo-galay inay ka soo baxaan oo weli aan soo gaadhin goobihii loogu talo-galay. Ciidanka Qaranku wuxuu ku jiraa dib-isku habayn iyo diyaargarow culus oo cadowga lagaga hortagayo”. ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here