Wasaaradda Deegaanka Oo Qabatay Kulan La Xidhiidha Isbedelka Cimiladda

0
627

Hargaysa (HP): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland C/kariin Aadan Cadde, ayaa magaaladda Hargaysa ka furay tababar iyo aqoon iswaydaarsi ku saabsan dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada.
Sidoo kale waxaa tababarkaasi qayb ka ahaa qorshaha la xidhiidha sidii loo ilaalin lahaa deegaanka iyo dhibaatooyinka kala gedisan ee soo waajahay.


Waxaana kulankaasi soo qaban qaabiyay mashuuca isku xidhka iyo horumarinta dawladdaha hoose ee loo soo gaabiyo JPLG-ha, kaas oo inta badan la shaqeeya dawlaha hoose ee waddanka.
Furitaanka tababarkaasi waxa kaloo ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah iyo ururadda maalgeliyadda mashruuca JPLG-ga, agaasime waaxeedyadda wasaaradda deegaanka iyo masuuliyiin kale.
Waxaana aqoon is waydaarsigaasi labadii maalmood ee uu socday lagaga arrinsanyay Mashruuca JPLG-ga oo qayb ka mid ah lagu soo kordhiyay Mashruuc khuseeya Isbadelka Cimiladda.


Kulan hawleedkaasi ayaa waxay ka qayb-galeyaashu isla gorfeeyeen doorka wasaarada iyo sidii ay ugu fududayn lahayd in masuuliyada iyo maamulka loo daadajiyo ilaa heer dawladaha hoose ay kaalintoodda ka ciyaari karaan.
Taasoo la xidhiidha talaabooyinka ka hortaga dhibaatooyinka ka dhalan kara Isbadelka Cimilada ee ka dhaca magaalooyinka iyo dejinta siyaasadaha iyo hageyaasha istaraatiijiyadeed ee la Jaan-qaadka cimilada isbedeshay.

Geesta kale kulan hawleedkaasi oo socday muddo laba maalmood ah waxaa maanta soo xidhay agaasimaha waaxda Fayo-dhawrka Degaanka Magaalooyinka ee wasaaradda deegaanka somaliland Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan.


DAAWO: Hadalkii agaasimaha waaxda Fayo-dhawrka Degaanka Magaalooyinka ee wasaaradda deegaanka Somaliland Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here