Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland oo kaashanaysa Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, ayaa shaaciyey xilliga rasmiga ah ee la qabanayo tartanka caalamiga ah ee Hargeysa International Have Marathon.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cabdirashid Caydiid Yaasin, ayaa ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee la qabanayo tartanka, isagoo sheegay inuu dhici doono 23/06/2023 oo ku beegan maalin Jimce ah.
Sidoo kale, agaasimaha, ayaa sheegay inay tartankani ay ka soo qayb galayaan 10 dal oo caalamka ah sida Congo, Masar, Angola, Burundi, chat iyo dalal kale oo orodkaasi qayb ka ah.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Maxamed Mohamed Xasan Nageeye, ayaa isaguna dhankiisa sheegay in orodkani uu yahay markii 2aad oo la qabto, sidoo kalena ay Somaliland ka rajaynaynayso inay ka hesho ictiraaf oo uu noqdo mid caalamka ka diwaangashan.
Waxaana uu Guddoomiye Nageeye intaasi ku daray in cidkasta oo reer Somaliland ah u furan tahay orodkani oo uu ka qaybgali karo.