Washington (Hargeisa Press)- “Somaliland waxay ku dedaaleysaa inay hesho aqoonsi caalami ah, waxaanay ay si gaar ah u xiiseynayaan inay Mareykanka ay ka helaan aqoonsi,” ayaa lagu yidhi warbixin dheer oo uu maanta Somaliland ka qoray Wargeyska caanka ah ee New York Times.
Wargeyska, ayaa warbixintiisa ku sheegay inay Somaliland fursad fiican u aragto isla markaana ay xidhiidh wanaagsan la samaysteen xildhibaanada Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.
Wargeysku wuxuu tilmaamay inay Somaliland dal banayso inay Mareykanka la gasho heshiis ay kaga kiraynayso dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera haddii Mareykanku aqoonsanayo.
Warbixintu waxa ay intaas ku dartay in Somaliland ay filayso haddii la aqoonsado ay heli doonto maalgashi ballaadhan iyo xidhiidho siyaasadeed.
Waxaa ay warbixintu xustay in Somaliland ay muujisay inay diyaar u yihiin inay Mareykanka ka caawiyaan ka hortagga saameynta Shiinaha ee mandaqada, iyagoo sidoo kale xidhiidh dhow la leh Taiwan, taasoo ka dhigaysa inay xulafo wanaagsan u noqonayaan Mareykanka marka laga hadlayo siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika.
Wargeyska New York Times wuxuu ka warramay dimuqraadiyadda doorashooyinka xorta ah iyo dawladnimada shaqeynaysa ee ka jirta Somaliland.
Sidoo kale, wuxuu iftiimiyay inay Somaliland ismaamulaysay oo aanay Soomaaliya waxba ka dhexayn tan iyo 1991kii oo ay leedahay baasaboor, callan iyo ciidankeeda ammaanka.
Wargeysku wuxuu intaas ku daray in habbaanka siyaasadeed uu Somaliland ka dhigayo mid muhiim u ah Mareykanka iyo dalalka kaleba oo u arki kara mid fursad u ah in lala yeesho xidhiidh ganacsi iyo mid ammaanka la xidhiidha.