Hargeysa (Hargeisa Press)- Warbaahinta caalamiga ah, ayaa waxaa ay mar kale ku celisay doonista Maamulka Madaxweyne Donald Trump ee ku wajahan aqoonsiga Somaliland, si loo helo iskaashi istiraatiiji ah.
Warbixinno ay qaybo ka mid ah warbaahinta caalamku ka qortay Somaliland, ayaa lagu sheegay in Sarkaal Mareykan ah oo ku lug lahaa wada-hadalladani uu shaaca ka qaaday in Somaliland ay faa’iidooyin muhiim ah u soo bandhigi karto Washington, xili uu sii xoogaysanayo loollanka quwadda adduunka ee Geeska Afrika.
Somaliland oo ku taal meel u dhow Gacanka Cadmeed, ayaa gacanta ku haysa biyaha ay maraan 10% ganacsiga dunnidu, taas oo ka dhigaysa goob istaraataji ah, Tan iyo markii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii, xiligaas oo ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya.
Warbaahintani waxay tilmaameen in Somaliland dhawr iyo soddonkii sanno ee u dambeeyay uu hannaankeeda dawladnimo si buuxda u shaqaynayay, hase-yeeshee waxa keliya ee ka maqani uu yahay aqoonsi caalami ah.
Warbaahinta caalamiga ah, ayaa iftiimisay in korodhka ku yimid saamaynta Shiinaha ee Geeska Afrika uu wakhtigan Somaliland ka dhigayo saaxiib soo jiidasho leh.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dedaal xooggan ugu jira sidii ay Somaliland dunida dimuquraadiga ah uga heli lahayd inay ixtiraamaan xaqa aayo ka tashiga masiirka Somaliland.
Madaxweynaha oo wax ka yar boqol cisho xilka haya, ayaa waxaa uu qaaday hawlgalo diblamaasiyadeed oo kor u qaaday maqaamka Somaliland ee masraxyada siyaasadda caalamka.