War Deg Dega:Dadkii Loo Haystay Dilka Marxuum Taliye Casayr Oo Saaka Lagu Riday Xukuno Isagu Jira Dil Toogasho Ah,Xabsi Dheer+Qaabka Xukunku U Dhacay

0
868

Burco, (HargeisaPress) —War deg deg ah oo hada nasoo gaadhaya soona gaadhay xafiiska warqabadka shabakada hargeisa press ayaa sheegaya in xukuno kala duwan oo iskugu jira dil iyo ganaax xadhig ciqaabeed ah lagu riday eedaysanayashii loo haystay dilkii taliye Casayr oo ahaa taliyihii ciidamada booliska gobolka saaxil oo horaaantii sanadkan lagu diley duleedka magaalada berbera.

 

 

Eedaysanayashan oo ahaa 11 eedaysane ayaa Waxa maxkamada ciidamada militeriga Somaliland oo dacwadan iyadu ka garnaqaysay ay sheegtay in 9 qof oo kamida eedaysanayaashan xukuno iskugu jira dil iyo ganaax xadhig ciqaabed ah ku irdey.

 

Waxaan maxkamada ciidamada Militeriga go’aan ay soo saartay saaka ku sheegtay in 8 kamida eedaysanayasha lagu xukumay xadhig ciqaabeed, halka hal qofna lagu xukumay dil toogasho ah kaasi oo ahaa ninkii fuliyay dilka taliye Casayr,sidoo kalena waxay maxkamadu xoriyadoodii usoo celisay laba eedaysane.

Waxana dhagaysiga maxkamada eedayashayaashan kasoo xaadirey 6 eedaysane halka shan kale ka maqnaayeen laakin xukunku uu ku dhacay.

Eedaysanaayaashan la xukumay ayaa wax ku jira gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka saaxil mudane Xaamuud oo isagu ahaa ninkii ay wada socdeen gaadhigana wada fuushanaayeen taliyaha markii lasoo weeraray dilkana loo gaystay, waxaana la sheegay in maxkamadu ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ciqaabeed ah.

Gabagabadiina maxkamada ciidamada Militeriga Somaliland ee kiiskan gacanta ku haysay ayaaa martay in lasoo qabto 5 eedaysane oo ay maxkamadu xukuntay saaka oo aan goob joogayaal ka ahayn dhagaysiga dacwada isla markaana la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

 

wariye sakariye cabdiraxmaan ibraahin

sakariye@faylasoof.tk

Hargeisa press 

burco office 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here