Hargeysa, (HargeisaPress) —Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamahuuriyada Somaliland Mud. Cumar Sh Maxamed Faarax ayaa kulan kula yeeshay xafiiskiisa Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta ee Dawlda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Workbeh Gebeyehu .
Waxaana labada dhinac ay ka wadahadleen Guud ahaan Duulimaadyada u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, Mashruuca Wadada Berbera, iyo isu socodka Ganacsiga, iyo iskaashiga xaga Amaanka .
waxaana ay ku dheeraaden labada dhinac xidhiidhka Saaxibtinimo ee Taariikhiga ah ee mudada`dheer u dhaxeeyay labada wadan.
Ugu danbayantii Kulankan oo ay Waasiir Cumar ku wehlinayeen Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Axmed Nuur Faahiye iyo Safaarada Soamaliland ee Adis Ababa ayaa waxa uu ku dhamaaday is afgarad.
Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Itoobiya Mudane Workbeh Gebeyehu waxa uu balan qaaday in ay Dawladiisu siin doonto Deeq Tababaro ah Hawlwadeenada Wasaarada Duulista Somaliland.
Gabagabadii Waftiga Somaliland ee uu hogaaminyo Wasiirka Duulistu ayaa uga mahad celiyey Deeqdaasi Tababarda ah iyo Wadashaqaynta ka dhaxaysa Labada Dawladood.
Allaa mahad
Ismaaciil Cali Axmed
Afhayeenka Wasaarada Duulista