Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa dhambaal hanbalyo ah u diray guud ahaanka shucuubta islaamka gaar ahaana shacabka Somaliland munaasibadda Ciidul-Fidriga awgeed.
Eng. Faysal Cali Waraabe, oo caawa gurigiisa magaaladda Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa dhamaanba dadka reer Somaliland ugu hanbalyeeyay munaasibadda ciidda oo beri ah.
Geesta kale, guddoomiyaha UCID waxa uu ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, gaar ahaana magaaladda Laascaanood.
Waxaanu sheegay inuu ka xun yahay in dadka reer Laascaanood oo sanadkii hore magaaladooda ku ciiday ay maanta ka maqan-yihiin.