Gaza (Hargeisa Press)- Israa’iil iyo kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas, ayaa waxaa u dhexeeya colaad sii xumaanaysa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof in ka badan hal maalin gudaheed.
Sabtidii, Xamaas ayaa weerar aan hore loo arag ku qaaday Israa’iil, iyada oo qarxisay qaybo ka mid ah xayndaabka kala goynta ee aadka loo adkeeyay, waxaanay dagaalyahanno u dirtay bulshooyinka Israa’iil ee ku sugan xuduudka Gaza.
Talaabadan, ayaa keentay in xukuumadda ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu uu uga digo “dagaal dheer oo adag”. Diyaaradaha Israel ayaa duqeymo ka wada marinka Gaza, iyaga oo dhulka la simay sarar sare iyo xaafado rayid ah.
Laakiin waa maxay Xamaas, kooxda udub dhexaad u ah? Waa kuwan waxa la ogaaday:
Waa maxay kooxda Xamaas?
Xamaas waxay u taagan tahay Dhaqdhaqaaqa Iska caabinta Islaamka, Carabigana macneheedu waxa weeye “Xamaasad”.
Kooxdan, ayaa siyaasad ahaan gacanta ku haysa marinka Gaza oo ah dhul dhan 365sq km (141sq miles) oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof balse ay go’doomisay Israa’iil.
Xamaas, ayaa tan iyo 2007-dii gacanta ku haysay marinka Gaza kadib dagaal kooban oo ay la gashay ciidamada Fatax ee daacadda u ah madaxweyne Maxamuud Cabaas oo ah madaxa maamulka Falastiiniyiinta iyo ururka xoreynta Falastiin (PLO).
Goorma ayaa la aasaasay Xamaas, maxayse tahay ujeeddadeedu?
Dhaqdhaqaaqa Xamaas waxaa Gaza ka aas aasay 1987-kii imaam, Sheikh Ahmed Yasin, iyo kaaliyihiisa Abdul Aziz al-Rantissi wax yar ka dib markii ay bilaabantay Intifada ugu horeysay, kacdoon ka dhan ah qabsashada Israel ee dhulka Falastiin.
Dhaqdhaqaaqa waxa uu ku bilowday garab ka mid ah Ikhwaanul Muslimiinka Masar waxa uuna abuuray garab milateri oo ah guutada Izzal Din al-Qassam, si ay u baacsadaan halgan hubaysan oo ka dhan ah Israa’iil oo ujeedadu tahay xoreynta Falastiin taariikhiga ah.
Waxa kale oo ay siisay barnaamijyo daryeelka bulshada dhibanayaasha Falastiiniyiinta ee qabsashada Israel.
Waa maxay mabaadi’da kooxda Falastiin?
Si ka duwan PLO, Xamaas ma aqoonsana dawladnimada Israa’iil laakiin waxay aqbashaa dawlad Falastiin ah oo ku taal xuduudaha 1967.
“Kama tanaasuli doono inch ka mid ah ciidda guriga Falastiin si kasta oo ay tahay cadaadisyadii ugu dambeeyay iyo iyadoo aan loo eegin inta ay la egtahay qabsashada,” Khaled Meshaal, hogaamiyaha musaafuris ee kooxda Falastiin ayaa yidhi 2017.
Xamaas, ayaa si ba’an uga soo horjeeda heshiiskii nabada ee Oslo oo ay ka wadahadleen Israel iyo PLO bartamihii sagaashamaadkii.
Waxay si rasmi ah uga go’an tahay inay dhisto dawlad falastiiniyiin ah oo xuduudaheeda ah. Waxay ujeeddadaas ku raacday weerarro lagu qaaday askarta Israa’iil, dadka la dejiyay iyo dadka rayidka ah labadaba dhulka la haysto ee Falastiin iyo Israa’iil.
Kooxda guud ahaan ama xaaladaha qaarkood garabkeeda millateri waxa loo aqoonsaday urur “argagixiso” oo ay leeyihiin Israa’iil, Mareykanka, Midowga Yurub, Kanada, Masar iyo Japan.
Waa kuwee xulafadeeda iyo taageerayaasheeda?
Xamaas waxa ay qayb ka tahay isbahaysiga gobolka oo ay sidoo kale ku jiraan Iran, Syria iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan, kuwaas oo ka soo horjeeda siyaasadaha Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo Israel.
Xamaas iyo Islamic Jihad, oo ah kooxda labaad ee ugu hubaysan gobolka, ayaa inta badan ka midaysan iska caabinta Israa’iil, waana xubnaha ugu muhiimsan ee qolka hawlgallada wadajirka ah ee isku xidha dhaqdhaqaaqa millateri ee kooxaha hubaysan ee Gaza.
Xidhiidhka labada kooxood, ayaa ahaa mid aad u xun markii Xamaas ay cadaadis ku saartay Jihaadka Islaamiga ah inay joojiyaan weerarada ka dhanka ah Israa’iil.
Maxaa keenay weerarkii Sabtidii lagu qaaday Israa’iil?
Afhayeenka Xamaas Khaled Qadomi oo la hadlay warbaahinta Al Jazeera, ayaa sheegay in kooxdan ay fuliyeen howlgalkooda milateri iyagoo ka jawaabaya tacaddiyada ay Falastiiniyiintu la kulmayaan tobanaan sano.
“Waxaan rabnaa in beesha caalamku ay joojiso xasuuqa Gaza ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, goobahayaga barakeysan sida Al-Aqsa [Masaajidka]. Dhammaan arrimahan ayaa ah sababta ka dambaysa in dagaalkan la bilaabo,” ayuu yidhi.
Xamaas, ayaa sidoo kale ugu baaqday kooxaha kale inay ku soo biiraan dagaalka, iyagoo sheegay in weeraradii Sabtidii ay bilow ahaayeen.
Xamaas miyay beegsataa dadka rayidka ah?
Osama Hamdan, oo ah af hayeenka sare ee Xamaas, ayaa Al Jazeera u sheegay in kooxdu ayna weerarin dadka rayidka ah in kasta oo muuqaalada kooxdu ay muujinayaan dagaalyahanadooda oo qafaashay dad waayeel ah oo Israa’iiliyiin ah intii uu socday dagaalkii Sabtidii.
Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka sida Amnesty International, ayaa sidoo kale tilmaamay in dad rayid ah oo Israa’iili ah ay dileen Xamaas.
Balse Xamdaan waxa uu ku adkaystay in kooxdu ay weerarto kaliya dadka la soo degay ee ku nool deegaamada sharci darrada ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay bartilmaameedyo sharci ah.
“Waa inaad kala saartaa dadka degan iyo dadka rayidka ah. Deganayaashu waxay weerareen Falastiiniyiinta,” ayuu yidhi Hamdan.
Mar la weydiiyay in dadka rayidka ah ee ku nool koonfurta Israa’iil sidoo kale loo tixgaliyo inay yihiin degeyaal, Hamdan wuxuu yidhi: “Qof walba waa ogyahay inay jiraan degsiimooyin halkaas.”
“Ma beegsaneyno shacabka si ula kac ah. Waxaan ku dhawaaqnay in dadka deegaanka ay qayb ka yihiin qabsashada iyo qayb ka mid ah ciidamada Israa’iil ee hubaysan. Ma aha shacab,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Sidee ayay kooxdu ugu suurtagashay in ay weerarka fuliyaan?
Xamaas, ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay maxaabiis badan oo Israa’iiliyiin ah ku qabteen deegaanka, iyagoo sii daayay muuqaalo dagaalyahanno ah oo jiidaya askarta dhiigyacabka ah. Waxa ay sheegtay in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Israa’iil ay ku jiraan maxaabiista.
Fiidiyowyada isla markiiba lama xaqiijin karo laakiin waxay ku habboon yihiin sifooyinka juqraafi ee aagga. Cabsida laga qabo in la qafaashay Israa’iiliyiintu waxay kicisay xusuusta 2006dii ee la qabtay askari Gilad Shalit, kaas oo dagaalyahannada xidhiidhka la leh Xamaas ay ku qabteen weerar ay xudduudda ka gudbeen. Xamaas waxay haysay Shalit muddo shan sano ah ilaa laga beddelay in ka badan 1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ay haysay Israa’iil.
Xamaas, ayaa sidoo kale u soo dirtay guumaystayaal u duulaya Israa’iil, sida uu sheegay milateriga Israa’iil. Weerarku wuxuu soo xusuustay weerar caan ahaa dabayaaqadii 1980-aadkii markii dagaalyahanno Falastiiniyiin ah ay ka soo tallaabeen Lubnaan una soo galeen waqooyiga Israa’iil iyaga oo laayay 6 askari oo Israa’iili ah.
Warbixintan waxaanu ka soo xiganay Aljazeera News