Hargaysa (HP): Madaxwayne ku-xigeenka JSL C/raxaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon.
C/raxmaan Saylici, oo hadal ka jeediyay xil wareejintaasi ayaa ugu horayn guddoomiyaha cusub xilka loo doortay ugu duceeyay inuu ALLE SWT ku asturo.
Isagoo na xildhibaanadda golahaasi ku dar-daaray in ay u wada shaqeeyaan hanaan qaranimo, isla markaana ay iska dhigaan Shaadhka xisbinimo, iyo midka qabiil ba.
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, iyo sidoo kale xaaladda maalmahan ka soo korodhay gobolka Saaxil. Waxaanu ku baaqay Saylici, in dhamaanba xukuumadda, waxgaradka, iyo goleyaasha qaranku ay ka hawl galaan sidii xaaladda gobolka Sool wax looga qaban lahaa.
Geesta kale C/raxmaan Saylici, waxa uu xusay in loo wada guntado sidii loo xalin lahaa wax kastoo dhibaato ah oo dalka ka taagan, haddii ay tahay waxgaradka, acyaanta, xukuumadda, xisbiyadda, iyo goleyaasha qaranka ba.
DAAWO: Khudbadii C/raxmaan Saylici:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.