Hargeysa (Hargeisa Press)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa waxaa uu si adag u beeninayay warbixin uu shalay soo saaray Ururka NUSOJ ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, taas oo ay kaga been sheegeen xaaladda iyo xadhigga Weriyeyaasha Somaliland.
Warbixinta ay soo saareen NUSOJ, ayaa waxaa ay ku sheegeen in 12 Suxufi lagu xidhay gudaha Somaliland, iyaga oo iska dhigaya kuwo la socda ama matala Saxaafadda Somaliland.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa waxaa ay sheegtay inay warbixintaasi u aragto mid ku saleysan been abuur, mala-awaal, iyo sheegasho aan jirin, isla markaana ah faragelin qaawan oo lagu dhaawacayo sumcadda iyo xaqiiqada saxaafadda Somaliland.
SOLJA, ayaa sidoo kale warbixinta NUSOJ ku tilmaantay mid muujinaysa baahinta xog aan la hubin laguna kalsoonaan karin iyo sheegasho siyaasadaysan, iyadoo sheegtay in ururkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn Somaliland islamarkaana aanu matalin saxaafadda dalka.
Hoos ka akhriso qoraalka SOLJA
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu si adag u beeninayaa warbixin uu shalay soo saaray ururka NUSOJ ee fadhigiisu yahay Muqdisho, taas oo ay kaga been sheegeen xaaladda iyo xadhigga weriyeyaasha Somaliland iyaga oo iska dhigaya kuwo la socda ama matala. Warbixinta ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in 12 suxufi lagu xidhay gudaha Somaliland. SOLJA waxay warbixintaasi u aragtaa mid ku saleysan been abuur, mala-awaal, iyo sheegasho aan jirin, isla markaana ah faragelin qaawan oo lagu dhaawacayo sumcadda iyo xaqiiqada saxaafadda Somaliland.
Sida ku cad warbixinta rasmiga ah ee uu SOLJA ku daabacday bogga rasmiga ah ee Solja.org, tirada suxufiyiinta la xidhay intii u dhaxaysay June ilaa January 2025 waa 15 weriye, taasoo si cad uga duwan xogta NUSOJ baahisay. Warbixinta NUSOJ waa mid muujinaysa baahinta xog aan la hubin laguna kalsoonaan karin iyo sheegasho siyaasadaysan, iyadoo ururkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn Somaliland islamarkaana aanu matalin saxaafadda dalka.
Ururka SOLJA waxa uu si cad ugu baaqayaa NUSOJ:
1. Inay joojiyaan ku hadalja magaca suxufiyiinta Somaliland iyo baahinta xogaha been-abuurka ah ee aan ku salaysnayn xaqiiqda.
2. Inay ku ekaadaan xuduudooda iyo matalaadda saxda ah ee saxaafadda iyaga hoos tagta.
3. Inay ixtiraamaan madax-bannaanida warbaahinta Somaliland iyo xaqa ay u leedahay inay iyadu xaaladeeda ka hadasho.
SOLJA waa ururka kaliya ee sharciyan u matalla suxufiyiinta iyo warbaahinta Somaliland, waana halka kaliya ee laga heli karo xogoha sugan ee la xidhiidha xaaladda saxaafadda iyo cabashada saxafiyiinta.
Waxaan mar kale xasuusinaynaa dhammaan daneeyayaasha caalamiga ah in xogta saxda ah ee ku saabsan warbaahinta Somaliland ay si rasmi ah uga heli karaan SOLJA.”