Hargaysa (HP): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta magaaladda Hargaysa kulan ugu qabtay saxafiyiin ka kala socday warbaahinta.
Kulankaasi oo uu furay guddoomiyaha ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, ayaa lagaga hadlayay sidii loo dar-dargalin lahaa wax ka bedelka xeerka saxaafada Somaliland.
Kullankan ayaa qayb ka ah Mashruuc oo ay ka wada shaqaynayaan xafiiska dawladda Ingiriiska ee Somaliland iyo ururka SOLJA, kaas oo ku saaabsan sidii kor loogu qaadi lahaa xorriyadda Saxaafada Somaliland la na isku fahan siin lahaa haayadaha amniga iyo warbaahinta dalka ka hawl gasha.
Kulankani ayaa daba socday kulamadaasi hore oo lagu soo qabtay qaybo ka mida gobolada dalka, sida uu sheegay Sekeriye Axmed Muxumed, guddoomiyaha ururka SOLJA, oo kulankaasi furay.
Guddoomiyaha SOLJA ayaa ka warbixiyay u muhiimadda kulankaasi, iyo sidoo kale u jeedada laga leeyahay qofka Saxafiga ah.
DAAWO: SOLJA Oo Qabtay Kulan Lagu Dar-dar Gelinayo Wax Ka Bedelka Xeerka Saxaafadda Somaliland:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.