Hargeysa,(HargeisaPress)– Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa waxaa uu si kulul u cambaareeyay xadhiga ay Xukuumadda Somaliland kula kacday Suxufi Yaasir Axmed oo ka tirsan Warbaahinta Somaliland, kaasi oo Ciidamada Boolisku ku xidheen Hargeysa.
Bayaan uu soo saaray ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu sheegay in Ururku si adag u cambaareynayo xadhigga sharci darrada ah ee lagula kacay Suxufi Yaasir Axmed.
Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, ayaa bayaanka ku sheegtay in Saxafi Yaasir Axmed la qabtay xilli uu ku sugnaa mid ka mid ah hoteelada magaalada Hargeysa.
SOLJA, ayaa xustay in xadhigga suxufigu uu dhacay iyada oo aanay laamaha amaanku wadan wax waaran maxkamadeed ah, qaabka loo qabtayna waxa ay u muuqatay qaab cabsi gelin iyo gacan-qaad ah oo aan waafaqsanayn nidaamka sharci iyo xuquuqda muwaadiniinta gaar ahaanna suxufiyiinta gudanaya waajibaadkooda.
Ururka SOLJA, ayaa sheegay inay ku celinayaan baaqiisa ah in la ixtiraamo xorriyadda hadalka, lana joojiyo tallaabooyinka xadgudubka ku ah xorriyadda saxaafadda. Iyagoona ugu baaqay hay’adaha amniga inay sugaan xeerarka dalka, iyaga oo adeegsanaya habraacyada sharciga ah marka ay la macaamilayaan saxafiyiinta iyo warbaahinta.
Sidoo kale, Ururka SOLJA, ayaa sheegay in ay hadda ku hawlan yihiin dadaal xooggan oo lagu doonayo in xorriyadda Yaasir Axmed Cabdillaahi dib loogu soo celiyo, isla markaana uu helo cadaalad iyo ixtiraam sharci.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka dayrisey xadhigga suxufiyiinta ee soo badanaya marba marka ka danbaysa, iyadoona uu ururku sheegay in tirada suxufiyiinta ee la xidhay ay marayso 16 suxufi oo laba kamid ah uun maxkamad la horgeeyey.
Hoos akhriso bayaanka Ururka SOLJA
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu si adag u canbaaraynayaa xadhigga sharci darrada ah ee lagula kacay suxufi Yaasir Axmed Cabdilaahi, oo lagu qabtay xilli uu ku sugnaa mid ka mid ah hoteelada magaalada Hargeysa.
Wali lama xaqiijin sababta xadhigiisa balse sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal, xadhigga suxufigani waxa uu dhacay iyada oo aanay laamaha amaanku wadan wax waaran maxkamadeed ah, qaabka loo qabtayna waxa ay u muuqatay qaab cabsi gelin iyo gacan-qaad ah oo aan waafaqsanayn nidaamka sharci iyo xuquuqda muwaadiniinta gaar ahaanna suxufiyiinta gudanaya waajibaadkooda.
Ururka SOLJA waxa uu ku celinayaa baaqiisa ah in la ixtiraamo xorriyadda hadalka, lana joojiyo tallaabooyinka xadgudubka ku ah xorriyadda saxaafadda. Waxaannu ugu baaqaynaa hay’adaha amniga inay sugaan xeerarka dalka, iyaga oo adeegsanaya habraacyada sharciga ah marka ay la macaamilayaan saxafiyiinta iyo warbaahinta.
Ururka SOLJA waxa uu hadda ku hawlan yahay dadaal xooggan oo lagu doonayo in xorriyadda Yaasir Axmed Cabdilaahi dib loogu soo celiyo, isla markaana uu helo cadaalad iyo ixtiraam sharci.
Ugu dambayn, SOLJA waxa uu ka dayrinayaa xadhigga suxufiyiinta ee soo badanaya marba marka ka danbaysa, tirada suxufiyiinta ee la xidhay ayaa maraysa 16 suxufi oo laba kamid ah uun maxkamad la horgeeyey. Ururku waxa uu mar kale xasuusinayaa dhammaan hay’adaha dawladda muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda, taas oo saldhig u ah nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland ku faanto.