Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Taageeray Hadalkii Salaadiinta Somaliland

0
1278

Beledweyne (HP): Ugaas Xasan Ugaas Khaliil, oo ah ugaaska beesha Xawaadle (Hawiye), ayaa soo dhaweeyay hadalkii madax dhaqameedka Somaliland ee ahaa in ay qayb ka noqdaan wadahadaladda Somaliland iyo Soomaliya.

Waxaanu sheegay in haddii ay yihiin Duubabka reer Hiiraan iyo shacabkoodaba in ay arrintaasi u arkaan mid lagama maar-maan ah oo maslaxadda ummadu ku jirto.

Hese yeeshee Ugaas Xasan, ayaa hoosta ka xariiqay arrintaasi ay tahay mid u baahan in si weyn looga baaraan-dego oo aan si fudud loo fulin Karin.

Waxaanu sheegay in shan sanadood ka hor uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin, isla markaana ay gobolka Hiiraan oo keliya ka dhamaan waayeen.

Daawo Ugaaska Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here