Tiradda Dad Diinta Kiristaanka Faafinayeen Oo Hargaysa Lagu Xidhay

0
519

Hargaysa (Hargeisa Pres): Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa xidhay Afar Qof oo Masiixiyiin ah, kuwaasi oo looga shakiyey inay Diinta Kiristaanta faafinayeen iyo Ilmo yar oo dhawaan dhashay.

Dadka la xidhay ayaa waxay kala yihiin Lamaane is-qaba iyo Ilmo yar oo dhawaan u dhashay iyo laba Haween ah.

21-kii bishii hore, ayaa Ciidammada Boolisku waxay Magaalada Hargeysa ku xidheen lamaane Magacyadooda lagu sheegay Maxamed Iyo Xamdi oo uu la socday Ilmo yar oo ay dhaleen iyo Aster oo u dhalatay dalka Itoobiya.

Maalmo ka dib oo Ciidammadu baadhitaan ku sameeyeen Gurigii ay Qoyskaasi deganaayeena waxay ka soo xidheen Haweenay kale, taasi oo tirada Dadka Kiristaanka ah ee la xidhay ka dhigaysa 4 iyo Ilmaha yar.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 10-kii February Dacwad-oogayaasha la siiyey wakhti dheeraad ah, si ay Xabsiga ugu sii hayaan Dadkan loo xidhay inay faafinayeen Diinta Kirisaanka, si ay wakhti ugu helaan baadhitaanka ay wadaan.

Ugu dambayn, Dawladda Somaliland ayaa hore u qab-qabatay Dad faafinayeen Diinta Kiristaanka, kuwaasi oo markii dambe qaarkood Dalka laga Mastaafuriyey.

 

XIGASHO: Wargeyska Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here