Nairobi (Hargeisa Press) – Laba wariye oo ka howlgala laanta af Soomaaliga ee BBC-da, ayaa maxkamad ku taalla dalkaasi u gudbiyay dacwad ka dhan ah Tifatiraha laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da Muxiyadiin Axmed Rooble, Sida uu qoray wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Maamulka idaacadda BBC-da, ayaa shaqada ka joojiyay wariyeyaasha Maxamuud Cali Maxamed iyo Bashiir Maxamed kadib markii lagu eedeeyay in ay tifatirahooda laanta Af-Soomaaliga Muxiyadiin Axmed Rooble u adeegsadeen dembi baadhayaal madaxbannaan.
Labada wariye, ayaa dacwadda ay gudbiyeen ku xusay in xafiiska BBC-da ee Nairobi uu ku xadgudbay xuuqdooda muwaadinnimo, iyaga oo dalbaday in shaqadooda dib lagu celiyo.
Wargeyska The Star, ayaa waxaa uu warbixintan ku daabacay barta uu ku leeyahay Internet-ka saacado kadib markii uu daabacay.