Mudane Madaxweyne,Waxaan ahay muwaadin jecel dalkiisa, mar walbana ka fekera horumarka iyo danta guud ee ummadda. Sidaas darteed, waxaan talooyin horumarineed kuu soo gudbinayaa aniga oo qirsan kaalinta aad kaga jirto hoggaaminta dalka iyo masuuliyadda aad u hayso shacab weynaha Somaliland.
Mudane Madaxweyne, waxaan ogahay in dastuurka iyo shuruucda dalka ay xoojinayaan dhageysiga talooyinka ka imanaya shacabka, taas oo kaalin weyn ka qaadan karta horumarka iyo aqoonsiga caalamiga ah ee aynu hiigsanayno. Sidaas awgeed, aniga oo dareensan muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo wax-wada-qabsi iyo wada-tashi qaran, waxaan qoraalkan u arkaa mid ku saabsan arrin si weyn u taabanaysa danta shacabka iyo horumarka qaranka.
Waxaa isa soo taraya qulqulka ajaanibka u yimaada Somaliland si ay uga shaqeystaan, iyadoo ay jiraan dhalinyaro badan oo muwaadiniin ah oo shaqo la’aan ah. Arrintan waxay si gaar ah u saameysay shaqooyinka la xiriira cunnokarinta, taasoo khatar caafimaad iyo dhaqaale u horseedi karta bulshada. Waxaa lagama maarmaan ah in la dejiyo qorshe qaran oo lagu xaqiijinayo shaqo abuurka muwaadiniinta, lana xakameeyo tirada iyo saamaynta ajaanibka dalka yimaada, si loo ilaaliyo fursadaha shaqo ee muwaadiniinta iyo wareegga dhaqaalaha gudaha.
Mudane Madaxweyne, Somaliland waa dal leh awood iyo karti uu kaga maarmi karo shaqaalaha ajaanibka ah, haddii si dhab ah loo abaabulo una hagar baxo horumarinta xirfadaha dhallinyarada. Sidaas darteed, waxaan soo jeedinayaa:
• In la sameeyo xeer nidaaminaya shaqooyinka ajaanibka, laguna dhiirrigeliyo in muwaadiniintu hormuud u noqdaan xirfadaha kala duwan.
• In la xoojiyo kormeerka nadaafadda iyo tayada cuntada si loo sugo caafimaadka bulshada.
• In la hirgeliyo barnaamijyo tababar ah oo dhallinyarada lagu barayo xirfadaha ay ajaanibku hadda qabtaan, si loo kordhiyo fursadaha shaqo ee dadka deegaanka.
• In la sameeyo hannaan lagula socdo dhaqaalaha ka baxaya dalka, si loo xoojiyo wareegga lacagaha gudaha iyo horumarinta ganacsiga maxalliga ah.
Mudane Madaxweyne, waxaan aaminsanahay in arrimahan wax ka qabashadoodu ay wax weyn ka tari doonto horumarka Somaliland iyo wanaajinta fursadaha shaqo ee muwaadiniinta. Waxaan rajeynayaa in talooyinkaygan ay noqon doonaan kuwo la tixgeliyo, lagana faa’iidaysto.
Ma jirto dan kale oo aan wanaag ahayn oo aan ka leeyahay qoraaladaydda, kaliya waxaan ahay muwaadin reer Soomaliland ah oo xitaa aan kala jeclayn Xisbiyadda Siyaasadda kana mid ahayn, waxaan ahay qof shacab ah oo katirsan Shaqaalaha Dawladda.
W/Q Qoraa Ismaaciil Cali Axmed