Hargeysa (Hargeisa Press)- Jan. 1, 2024, Itoobiya waxay Somaliland la saxeexatay heshiis is-afgarad ah oo ay ku gelayso Badda Cas, arrintaas oo ka dhalatay fal-celin ka timid Soomaaliya iyo beesha caalamkaba. Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taageeda 18-kii May 1991-kii, ka dib burburkii taliskii Siyaad Barre ee Soomaaliya 1991-kii, hase yeeshee, Somaliland ayaan weli aqoonsi ka helin beesha caalamka.
Haddaba, Soomaaliya waxay si adag uga soo horjeedsatay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo ku sababaysay inuu ka hor imanayo shuruucda caalamiga ah iyo midnimada dhuleed. Iyadoo laga jawaabayo dhibaatadan, hay’adaha caalamiga ah sida Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale hawl-wadeennada gobolka, waxay cambaareeyeen heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin marka loo eego shuruucda caalamiga ah.
Xiisadan ka dhex aloosantay labada dal, ayaa waxay sii kordhisay xiisadii mudada dheer ka jirtay gobolka, taasoo khatar weyn ku noqon karta ammaanka gobolka iyo kan caalamkaba. Tusaale ahaan, biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Niil sannadkii 2011, kaas oo la qorsheeyay in lagu rakibo 5.15 gigawatts, ayaa hore u dhaliyay khilaafyo waaweyn oo u dhexeeya Suudaan iyo Masar. Iyadoo ay jiraan khilaafaadyadaas, Itoobiya ayaa billowday inay buuxiso biyo-xidheenka 2020-ka, kaddibna waxay billowday inay koronto dhaliso markii ugu horreysay sannadkii 2022-kii, taasoo sare u qaadday xiisadda u dhexeysa Qaahira iyo Addis Ababa.
Xidhiidhkaas xumaaday, ayaa keenay in Masar ay hadda iyaduna lug ku yeelato khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsan heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiskan ka dib, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay Masar si uu taageero uga raadiyo Itoobiya, isagoo la kulmay Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi. Kulankooda ka dib, el-Sissi waxa uu si aan gabasho lahayn u muujiyay taageerada ay Soomaaliya u hayaan Itoobiya, xitaa waxaa jiray warar sheegaya in Qaahira laga yaabo in ay ciidamo geyso Soomaaliya.
Codsiga rasmiga ah ee Itoobiya, Turkigu waxa uu bilaabay dadaallo dhexdhexaadin ah si loo dhimo khatarta iska horimaadyada hubaysan ee suurtagalka ah ee gobolkan kacsan.
Turkiga oo sanadihii u dambeeyay saameyntiisa ku soo kordhinayay Afrika, ayaa xidhiidh wanaagsan la leh Soomaaliya iyo Itoobiya. Wakiilada labada dal ayaa 2-dii bishan July ka furmay magaalada Ankara wadahadalo uu xidhiidhinayey wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan. Wareegii koowaad ee wada-hadallada ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, waxaana wareegga labaad oo markii hore qorshuhu ahaa in la qabto Sebtember 2, waxaana loo gudbay August 12, balse sidoo kale waxaa lagu soo gebagebeeyey heshiis la’aan.
Israa’iil oo fidisay xasillooni darro
Iyadoo xiisado colaadeed ay weli ka taagan yihiin Geeska Afrika, Israa’iil oo markii horeba ku milantay colaadaha Bariga Dhexe, ayaa hadda dejisay qorshaheeda ku aaddan xasilloonida Geeska Afrika. Israa’iil waxay doonaysaa inay xidhiidh la samayso Somaliland, sababtoo ah goobta ay ku taal juqraafi ahaan istaraatiijiyadeed iyo horumarradii u dambeeyay. Gaar ahaan, marka loo eego sida ay ugu dhow yihiin hanjabaadaha Iran iyo Xuutiyiinta Yemen, Somaliland waxay u taagan tahay xarun sirdoon oo qiimo leh iyo saldhig suurtagal ah oo hawlgallo wadajir ah Israel. Sababahaas awgeed, heshiis dhexmara Israa’iil iyo Somaliland oo ay weheliso aqoonsiga Somaliland, waxa uu Israa’iil siin karaa saaxiib muhiim ah oo Geeska Afrika ah.
Danaha Israa’iil ee Somaliland waxa kale oo uu leeyahay dhiirigelin dhaqaale. Kobaca dhaqaalaha Somaliland waxa uu soo jiitaa maal-gashi dalal kala duwan, gaar ahaan qaybaha sida beeraha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Israa’iil waxa ay hiigsanaysaa in ay horumariso iskaashiga ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinaca beeraha, iyo in ay kor u qaaddo saamaynta ay ku leedahay gobolka iyada oo loo marayo goobta istaraatiijiga ah ee ay Somaliland ku leedahay marinnada ganacsi ee waaweyn ee Gacanka Cadmeed.
Arrinta kale ee xusidda mudan ee xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland waa doorka Imaaraadka Carabta (UAE) ee dhexdhexaadinta heshiiska. Imaaraadka oo xidhiidh dhow la leh Israa’iil iyo Somaliland, ayaa sannadkii 2017-kii Somaliland la saxeexday heshiis lagu dhisayo madaarka Berbera, oo ku yaalla meel 300 oo kilomitir koonfurta ka xigta Yemen.
Heshiiskan, ayaa waxaa ka mid ahaa in muddo 30 sano ah lagu kireeyo saldhig milateri oo ku yaalla garoonka diyaaradaha. Sidoo kale, 2018, maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay la sameyn doonaan iskaashi istiraatijiyadeed oo ku saabsan amniga Imaaraadka, iyagoo tababaraya ciidamada ammaanka ee deegaanka ka dib dhismaha saldhigga.
Iyadoo laga jawaabayo arrimahaas, Soomaaliya waxay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay Imaaraadka Carabta bishii Abriil 2018, waxayna mamnuucday in shirkado badan oo Imaaraadka laga leeyahay ay ka howlgalaan dhulkeeda. Sidoo kale, baarlamaanka Yurub ayaa soo saaray bayaan uu Imaaraadka ugu baaqayo inay ka waantoobaan falalka wax u dhimaya xasilloonida Soomaaliya iyo Geeska Afrika, ayna ixtiraamaan madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay Emirates Leaks, imaaraadku ma aha taageero siyaasadeed oo kaliya, laakiin sidoo kale waxay bixin doonaan kaalmo dhaqaale saldhiga Israel u qorshaysanayso Somaliland. Taageerada Imaaraadka ee arrintan ayaa looga golleeyahay sidii loo kordhin lahaa saameynta ay ku leeyihiin marinka Bab al-Mandab, halkaas oo colaadda Yemen ay weli ka socoto. Imaaraadku markii uu dhidibada u taagay joogitaankiisa Somaliland waxa uu damacsan yahay inuu balaadhiyo saamaynta uu ku leeyahay Geeska Afrika oo uu maalgashi ku sameeyo dalalka jaarka ah isagoo kaashanaya Israa’iil.
Iskaashiga UAE iyo Israel
Isku soo dhawaanshaha sii kordhaya ee Imaaraadka iyo Israa’iil, ayaa si aad ah u soo shaac baxay 2020 markii la saxeexay heshiiskii Abraham. Heshiiskii Abraham, oo uu taageeray Mareykanku, ayaa la soo gabagabeeyey Sebtember 15, 2020, iyada oo ujeedadu ahayd in la fududeeyo xidhiidhka ka dhexeeya Israa’iil iyo waddamada Carabta sida Bahrain iyo UAE. Ka dib, Marooko iyo Suudaan waxay sidoo kale noqdeen qayb ka mid ah heshiisyadan, taas oo inta badan ay sabab u tahay dadaallada diblomaasiyadeed ee Mareykanka.
Ujeedka Mareykanka iyo Israa’iil ay u galeen heshiisyadan ayaa ahaa in ay sare u qaadaan saameynta ay ku leeyihiin dalalka Carabta ee saxeexay. Intaa waxaa dheer, wadamada Carabtu waxay rabeen inay balaadhiyaan siyaasadooda arrimaha dibadda iyagoo kobcinaya taageerada reer galbeedka iyaga oo u maraya xidhiidh wax ku ool ah oo ay la leeyihiin Mareykanka iyo Israa’iil. Waxaa la qiyaasi karaa in Imaaraadku uu isku dayayo in uu isu dhiso awood goboleed isagoo xoojinaya awoodiisa dhaqaale iyo mid ciidan isagoo taageero ka helaya Mareykanka iyo Israa’iil ka dib heshiiskii Abraham.
Runtii, Imaaraadku wuxuu rajo weyn ka qabaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ee Mareykanka iyo Israa’iil. Sanadihii la soo dhaafay, hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada badda iyo xitaa soo saarista hababka cusub ee hubka ayaa ka wada hadlay Imaaraadka iyo Israel. Ka sokow, 2022, Israa’iil waxay u dhoofisay UAE hub kala duwan oo horumarsan, oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah. Waxaa cad in ujeedada ka dambeysa iskaashigan dhanka amniga ee labada dowladood ay tahay in la kordhiyo awooddooda ciidan ee wadajirka ah si ay uga hortagaan khataraha la wadaago gobolka, sida Iran iyo Xuutiyiinta Yemen.
Xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Israa’iil, ayaa ahaa mid aan kala go’ lahayn inkasta oo uu weli socdo khilaafka Falastiin iyo Israa’iil. Si kasta oo ay ahaataba falalka Israa’iil ee gobolka, kuwaas oo jawaab ka keenay beesha caalamka, haddana hoggaamiyayaasha Imaaraadku waxa ay ku adkaysanayaan la macaamilka Israa’iil. Waxaa intaa dheer, waxay kordhiyeen istiraatijiyaddooda difaaca ee wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha gobolka ee Geeska Afrika.
Mustaqbalka Geeska
Gabagabadii, saamaynta sii kordhaysa ee Israa’iil iyo Imaaraatka Carabta (UAE) ku leeyihiin Geeska Afrika waxa ay keeni kartaa in ay sii xumeeyaan xasaradaha jira, isla-markaana ay gobolka ka abuuraan meelo cusub oo xasilooni darro ah. Wada-shaqeynta istiraatijiyadeed ee ay Somaliland ka samaysteen waxay xoojiyaan sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, taasoo meesha ka saaraysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana sii murjinaysa khilaafyadii ka dhex jiray Itoobiya iyo Soomaaliya.
Tallaabada ay Israel ku aqoonsanayso Somaliland iyo dadaalka Imaaraadku ku xoojinayo joogitaankeeda Milateri ee Berbera waxay ujeedadeedu tahay inay gacanta ku dhigto dhulka u dhow Yemen iyo marin biyoodka Bab el-Mandab, taasoo khatar ku ah dadka deegaanka oo xaq u leh inay ka tashadaan.
Intaa waxaa dheer, saameynta sii kordheysa ee Israa’iil iyo Imaaraadku ku yeelanayaan gobolkan waxay sii xoojiyeen khilaafka u dhexeeya dalalka Masar, Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo khatar gelinaysa ammaanka gobolka. In kasta oo ay jiraan dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadaan jilayaasha sida Turkiga oo kale, dhaqdhaqaaqyada istaraatiijiyadeed ee Israa’iil iyo Imaaraadku waxay wiiqayaan awoodda Soomaaliya iyo awoodda Itoobiya ee ah in ay si madax bannaan wax uga qabato, taas oo kor u qaadaysa khatarta colaadda ee gobolka oo khatar weyn ku ah amniga caalamiga ah.
Warbixintan waxaa daabacay isku-duwaha machadka TASAM African Institute ee fadhigiisu yahay Istanbul. Huriye Yıldırım Cinar.