Hargaysa (Hargeisa Press.com): Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay ciidamadii ka goostay gobolka Badhan una goostay dhinaca Puntland iyo jabhadda Colonel Caare.
Nuux Taani, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta taliska guud ee ciidamadda qaranka ee magaaladda Hargaysa, ayaa Colonel Caare ku tilmaamay nin denbiyo ka galay Somaliland.
Sidoo kale ciidamadii todobaadkan ka goostay Badhan ayuu sheegay in ay ahaayeen kuwo khiyaamo kula joogay Somaliland, isla markaana aanu qaranku u baahnayn in ciidamo ay lacag bilaash ah iska qaataan.
Halkan Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Sareeye Gaas Nuux Taani:
https://youtu.be/fXA0Lm8IomU
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.