Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo kormeer shaqo ku tegay magaalada Boorama

0
918

Boorama (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa kormeer shaqo ku tegay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa markii uu gaadhay magaalada Boorama waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay maamulka iyo masuuliyiinta gobolka, iyo Saraakiisha ciidanka ee gobolka.

Intaasi ka dib, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxaa uu kulamo ballaadhan uu la qaatay Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Saraakiisha Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo kormeerka iyo waajibaadka shaqo ee qaranka.

Taliyaha, ayaa waxaa uu ku baaqay in nabada iyo amniga laga wada shaqeeyo, isagoona si gaar ah fariin u diray shacabka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan isla-markaana ay Ciidanka kala shaqeeyaan arrimaha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here