Hargeysa, (HargeisaPress) — Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan,ayaa bulshada ugu bushaareeyay in hawlgalka adag ee Magaalada Hargeysa ka socdaa yahay mid lagu ugaadhsanayo dhalinyaro gaar ah oo Magacyadooda la garanayo.
Hadalka Taliyaha ayaa imanaya iyadoo Magaalada Hargeysa dadku si aada uga warwarsan yihiin in la raaciyo dhalinyaradaasi Boolisku baadi goobayo, islamarkaana shaki badan laga qabay in qaar badan oo aan waxba galabsan la qabto.
“Hawl gallada adag ee Caasimada ka socdaa, waxaan idiin sheegayaa in hawl galkaasi socon doono, oo uu yahay mid aan joogsanayn, annigoo aad iyo aad ugu amaanaya Ciidanka Booliska talaabooyinka ay qaadeen. Maaha cid walba cidda Boolisku qabanayaa, laakiin, waxa la qabanayaa cidda ka midka ah Kooxaha khatarta ahaa oo hebel iyo hebel loo garanayo oo kuwii ugu waaweynaa oo dhawr iyo toban ah Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen Sharcigana la horgayn doono” ayuu yidhi Taliye fadal.
Taliyuhu waxa uu intaasi raaciyay “Sidii aanu hore u sheegnay 53 ayaa Xabsiga Madheera loo diray,kuwanna Xasbiyada la gaynayaa way ka durugsanaan doonaan.waxaanan halkan Bulshada reer Somaliland uga sheegayaa anigoo u mahadcelinaya in Ciskasta oo Nabadgalyada qaranka waxyeelaysa Ciidanka Boolisku gacan adag oo bir ah ku qabanayo”
Taliye Fadal waxa uu sheegay in Hawl galkani socon doono inta la ugaadhsanayo Dhalinyaradaasi Kooxaha ahayd,iyadoo badhkood la qabtay inta maqana lagu daba jiro. Maalmihii u dambeeyay ayaa si wayn loo dareemayay hawlgalka Booliska ee Xaafaddaha Magaalada Hargeysa.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com