Taliyaha Booliska oo kulan la-qaatay Talisyada ciidamada ee Awdal iyo Gabiley

0
967

Boorama (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa maanta kulan la qaatay Talisyada qaybaha Ciidanka Booliska ee Goballada Awdal iyo Gabiley.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland, ayaa talisyada goboladaasi waxaa uu ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda nabadgelyada.

Sidoo kale, Taliyeyaasha qaybaha iyo saraakiisha goboladaasi, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay xaalada amniga ee labada gobol.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa wuxuu ku booriyay in ciidamadu si wadajir ah uga shaqeeyaan xasiloonida gobollada, gaar ahaan inta lagu guda jiro ololaha doorashada, si looga fogaado wax kasta oo khalkhal galin kara amniga.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga bulshada iyo ciidamada si loo xaqiijiyo in doorashadu dhacdo si nabad ah.

Taliyuhu wuxuu saraakiisha kula dardaarmay in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda iyo in ay si hufan ugu adeegaan xisbiyada iyo ururrada qaranka, muddada ololaha doorashada, madaamo Boolisku dhex u yahay dhammaantood.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa kulan la qaatay Badhasaabka Gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi, waxaana ay iska waraysteen xaaladda nabadgelyada ee gobolka, iyagoo isla soo qaatay qorsheyaal kor loogu qaadayo amniga iyo xasiloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here