Taiwan oo Somaliland ka caawinaysa hirgelinta xarunta keydka xogta

0
5171

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradaha warfaafinta, isgaadhsiinta ee Somaliland iyo wefti ka socda Xafiiska Taiwan Technical Misson, ayaa waxaa ay maanta kulan saddex geesood ah ku yeesheen caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan, ayaa waxaa sidoo kale wasaaradaha warfaafinta, isgaadhsiinta iyo Xafiiska Taiwan Technical Misson, ku wehelinayay xubno ka socda Shirkadda ugu ballaadhan ee dhanka ilaalinta xogta amniga security-ga ee Taiwan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta guud ee Wasaaradda Warfaafinta, ayaa waxaa guddoominayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine.

Dhinacyada, ayaa waxaa ay kulanka kaga wadahadleen sidii looga wada shaqayn lahaa, loona horumarin lahaa waaxda ICT-ga iyo arrimaha Tiknoolajiyadda ee Wasaaradda Warfaafinta.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagaga wadahadlay baahida loo qabo in la helo xarun lagu kaydiyo xogta laguna ilaaliyo amaankeeda, loona abuuri lahaa goob xogta iyo keydka wasaaradda lagu ilaaliyo, si looga hortago wixii khatar amni ee dhanka Internet-ka iyo xogaha ah, taasi oo la jaan-qaadaysa hannaanka cusub ee tiknoolajiyadda.

Sarkaal ka tirsan shirkadda ilaalinta xogta amniga security-ga ee Taiwan oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland uga caawin lahaayeen qiimeyn ay ku samaynayso xarunta keydinta xogta ee Somaliland.

Waxaanu xusay in xaruntani ay dowladda Somaliland ka caawinayso hirgelinta barnaamijka E-Government-ga oo ah mid ay xarumaha dowladdu ku xidhiidhayaan nidaamka tiknoolajiyada, isagoona sheegay in Taiwan ay tahay saaxiibka Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo isna madasha kulanka hadal ka jeediyay, ayaa u mahadceliyey xubnaha weftiga Taiwan, waxaanu ka waramay waxyaabaha ay wasaaraddu baahida u qabto, oo ay xubnaha weftigu sheegeen inay Wasaaradda kala shaqay nayaan.

Xubnaha weftiga Taiwan, ayaa uruursaday xogaha la xidhiidha nidaamka tiknoolajiyadeed ee ay Wasaaradda Warfaafintu adeegsato, waxaanay balanqaadeen inay waaxaha Telefishanka Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa ka taageeri doonaan, sidii loogu guuri lahaa nidaamka casriga ah ee tiknoolajiyadda, isla-markaana looga baaqsan lahaa xog iyo taariikh la lunta hababkii hore ee gaboobay.

Waxanay xubnaha weftigu ugu dambayntii ay booqdeen qolalka keydka cajaladaha ee Idaacada Radio Hargeysa oo ay taalo taariikh ka badan 80 sanno, xarunta Telefishanka Qaranka iyo goobo kale oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here