Taiwan oo sheegtay inuu sii xoogeysanayo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay

0
891

Hargeysa (Hargeisa Press)- Safiirka dowladda Taiwan u fadhiya dalka Somaliland Ambassador Allen C Lou, ayaa ka waramay sannad-guurada 113aad ee ka soo wareegtay markii ay Taiwan madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalka Shiinaha.

Safiirka oo khudbad ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta qaran ee Taiwan oo maanta lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasi oo maanta ku beegnayd, ayaa ka waramay ahmiyada ay maalintani u leedahay qaranka iyo shacbiga dalka Taiwan.

Sidoo kale, wuxuu si qoto dheer uga waramay halgankii dheeraa ee ay dowladda Taiwan u soo martay dimuqraadiyadda, isagoona sheegay in Taiwan ay ku naalooneyso nabad iyo horumar waara, taasi oo ku salaysan buu yidhi dimuqraadiyad.

Safiirka, ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay iskaashiga labada dowladood ee Somaliland iyo Taiwan oo uu sheegay in mashaariic kala duwan ay Taiwan ka hirgelisay Somaliland.

Wuxuu sheegay in mashaariicda ay dowladda Taiwan ka hirgelisay Somaliland, ay ka mid yihiin, Beeraha, ICT-ga, Waxbarashadda, Caafimaadka iyo qaar kale oo badan.

Safiirka Taiwan u fadhiya dalka Somaliland Ambassador Allen C Lou, ayaa xusay in ay jiraan Arday badan oo reer Somaliland ah oo deeq waxbarasho u tagay Taiwan, kuwaasi oo uu sheegay inay aqoontoodii ay ka midho dhaliyeen, isla-markaana dalkooda dib ugula soo laabtay.

Ambassador Allen, ayaa sheegay in xidhiidhka labada dowladood ee Somaliland iyo Taiwan uu jiri doono oo uu waari doono, isla-markaana uu marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here